Xildhibaano Badan Oo Isu Qoray Ka Hadalka Mooshinka Ka Dhanka Ah Saacid & Dooda Oo Berri Loo Dhigay

Read Time:38 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Maanta waxaa si toos ah xarrunta golaha shacabka uga furmay dooda ku saabsan mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Saacid, waxaana doodu u dhacday ilaa beeri, iyadoo aan la ogeyn waqtiga ay sii socon doonto.

248 Xildhibaan ayaa soo xaadiray Kulanka, waxaana baarlamaanka laga hor aqriyey magacyada 168 xildhibaan ee saxiixay mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Saacid.

Ilaa 83 xildhibaan ayaa isu diiwaan geliyey inay hadlaan, iyadoo Gudoonka baarlamaanka uu dalbaday in berri 9-ka subaxnimo la isugu yimaado kulanka, si dooda loo guda galo.

Berri ayaa baarlamaanku sii ambaqaadi doonaa ka doodista mooshinka ka dhanka ah Saacid, iyadoo la sugayo dood kulul, waxaana xildhibaanada dooda isu qoray isugu jira kuwa difaacaya R/wasaaraha iyo kuwa doonaya inuu meesha ka tago.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %