Xildhibaano aqoon kororsi u tegay dalka Uganda

Kampala – Mareeg.com: Wafdi xildhibaano ah oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Jeeylaani Nuur Iikar ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Wafdigan uu hogaaminayo, Jeylaani Nuur Iikar ayaa ah Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Gudoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanku ka koobanyahay waxaana ay Kampala u tageen ka qeybgalka aqoon kororsi sare loogu qaadayo howlaha guddiyada kaasi oo ay qabaneyso hay’adda Awepa.

Jeeylaani Nuur Iikar oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Entebbe International Airport ayaa xusay in safarka wafdigan ballaaran ee ka socda Baarlamaanka ee uu hogaaminayo uu qaadan doono mudo 5 cisho islamarkaasina ay mudadaasi xubnaha Guddiga Joogtada ah qaadan doonaan aqoon kororsi iyo qibrad is dhaafsi taasina ay tahay mid ballaarinta iyo hormarinta howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gacan weyn ka geysan doonta.

Xogahayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa isna dhankiisa saxaafadda waxa uu u faah faahiyey shaqada mudada shanta cisho ah ee ay joogayaan Kampala guddiga Joogtada ah waxaana uu xusay in howlahaasi ay ugu horeyso qorshe howleedka uu Golaha Shacabka ku shaqeynayo sanadkan 2014 gaar ahaanna howlaha horyaala Baarlamaanka kalfadhiga Afaraad iyo adkeynta la xisaabtanka howlaha fulinta.

Tallaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay hirgelinta heshiiskii ay magaalada Kampala ku kala saxiixdeen bishii August ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayadoo wixii xiligaasi ka dambeeyeyna uusii xoogeysanayey wadashaqeynta iyo xiriirka uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaannada kale ee caalamka.

Horay waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada Federaalku tabaro u tageen dalka Uganda, iyadoo dhawaan ay Muqdisho yimaadeen xubno ka tirsan baarlamaanka Uganda.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245