Xildhibaannada labada Aqal oo loo qeybiyey Sharciga doorashooyinka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaannada labada Aqal oo loo qeybiyey Sharciga doorashooyinka

Kulankii wadajirka ahaa oo ay maanta yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya,isla markaana ay goobjooga ka ahaayeen 186 Xildhibaan iyo Senator, ayaa waxaa loogu qeybiyey Sharciga doorashooyinka.

Sharcigaan ayaa waxaa dhawaan soo geba-gabeeyey diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka,guddigaas oo ka koobnaa 15 Xubnood oo laga soo xulay xildhibaannada Golaha Shacabka.

Guddiga KMG ah ee sharciga doorashooyinka ayaa dhawaan waxaa ay booqasho kala duwan ku tageen Maamul goboleedyada, iyaga oo wadatashi gelinayey Sharciga oo ay Baarlamaanka u soo gudbisay Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee wax ka bedel lagu sameeyey.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ee Sharciga Maanta loo qeybiyey ayaa waxaa ay fursad u heystaan muddo laba Cisho ah inay soo akhristaan,kadibna Xildhibaannada ay ka doodi doonaan si ay u meel mariyaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in sharciga doorashooyinka oo ay Gudiga diyaarintiisa gacanta ku hayaan la ansixin doono Bisha  December ee sanadkaan 2019.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!