
Kooramka kalfadhiga 6-aad kulanka wadajirka ah Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo ku furmay 191-Xildhibaan,waxa uu Ajendihiisu ahaa Akhrinta 3-aad ee Warbixinta guddiga ee Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2020-ka.
Ugu horeyn guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa golaha ka hor Akhriyay Bayaan uu soo saaray guddoonka midowga Baarlamaanadda carabta oo Xildhibaanadda loo qeybiyay kaasoo lagu cambaareynayo Qaraxii argagixixinimo ee kooxaha nabad diidka ah 28-kii Bishan ka geysteen Isgoyska Ex-control Afgooye ee Magaaladda Muqdisho,waxaana bayaanka ku saxiixnaa Guddoomiyaha Midowga Baarlamaanadda Carabta Ahna guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Boqortooyadda Urdun Eng. Caadif Al-dharaawinah.
Intaasi ka dib Xoghayaha Guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la Xisaabtanka Hay’adaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Hassan ‘’Jamhuuriya’’ ayaa Xildhibaanadda u faah faahiyay Warbixinta guddiga ee Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2020-ka.
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyay Miisaaniyadda Qaran ee 2020-ka oo cadad ahaan dhan $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 188-Xildhibaan 1-Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena 2-Xildhibaan ayaa ka aamustay sida uu natiijadda codeynta ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Sidoo kale Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay Ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2020.
Guddoomiyaha Golaha Shacaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda labada Aqal uga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka.
Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo tira ahaan la’eg $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) waxaa ka muuqda koror dhan 76-Million oo doolar marka loo eego miisaaniyadii sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka ,waxaa kale oo miisaaniyadan ka muuqata in ay ku koobantahay Kharashaadka adeega maamulka iyo difaaca Qaranka taasoo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $369,751,045 una dhiganta 77.7%, Arrimaha Bulshada oo loo qoondeeyay 64,450,722