Categories
Af Soomaali Africa Somalia

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka doodaya Sharci lagu muransan yahay

Maanta oo Sabti ah ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Ajendaha kulanka ayaa ah sii-wadida dooda Akhrinta Saddexaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo dhawaan Xildhibaanada loo qeybiyay.

Qodob kamid ah Sharciga Doorashooyinka oo Xildhubaannada ay ka doodayaan ayaa waxaa walaac ka muujiyey Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka,kaas oo ah Qodobka 53-aad ee tilmaamaya muddo kororsi aan xad laheyn ayay sheegeen in dhibaato ku yahay Waqtigii loogu tala galay doorashadda Soomaaliya.

 

By Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga