Xildhibaannada Aqalka Sare oo ka shirey Sharciga doorashooyinka

Read Time:34 Second

Kulankii 26aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.Ajendaha Kulanka ; Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka Heer Federaal.

Kulanka waxaa shir guddomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi .Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed ayaa kulanka joogay.

Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-akhriyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka Heer Federaal.

Inta kadib Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedkan si rasmi ah loogu wareejin doono Guddiga Ku-Meel Gaar Ka ah ee Ka- Baraandegidda Hindise-Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Aqalka Sare.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %