Xildhibaanadda Digil & Mirifle oo Xilkii Jawaari Isku haysta (Yay Wataan MD Farmaajo iyo RW Khayre) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanadda Digil & Mirifle oo Xilkii Jawaari Isku haysta (Yay Wataan MD Farmaajo iyo RW Khayre)

Iyadoo lagu dhex jiro laba toddobaad oo la doonayo in lagu soo doorto Guddoomiye cusub oo bedela guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya ee is casilay ayaa waxaa soo if baxaya loolan adag oo ka dhex bilowday xildhibaannadii waday Mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaannada kasoo jeeda beelaha Digil & Mirifle oo ahaa kuwa ugu badan ee wada mooshinka Jawaari, kuna beel ahaa guddoomiyaha is casilay ayaa qaar badan oo ka mida isu soo sharxay xilka, iyagoo ku kala qeybsamay, iskuna raaci waayay musharax qura.

Xubnaha ugu cadcad ee xilka guddoomiyaha Baarlamaanka isu soo taagay waxaa ka mida xildhibaannada kala ah:

= Shariif Maxamed Cabdalla

= Ibraahim Yarow Maxamed

= Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen iyo xubno kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda dowladda Soomaaliya ay taageerayaan Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Mursal, kuna qalqaalinayaan inuu isu soo sharxo xilkaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Sunny Leone Sex Videos xxx18 سكس
Mareeg.com somalia, World News and Opinion.