Akhri: Xildhibaanada taageersan RW Cabdiweli oo sheegay in loo hanjabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Xildhibaanada taageersan RW Cabdiweli oo sheegay in loo hanjabay

Mareeg.com: Xildhibaanada taageersan RW Cabdiweli ayaa sheegay in loo hanjabay. Waxey arrintaas ku dhawaaqeen, kadib kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho.

Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanada taageersan RW Cabdi Weli oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaan u sheegeynaa in xildhibaanada diidan mooshinka sharci darrada ah ay hajnabaado iyo hadallo kulkulul uga imaanayaan madaxtooyada iyo xildhibaanada kale” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in wixii soo gaara xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah RW wax laga weydiin doono madaxtooyada iyo xildhibaanada kale ee iyaga kasoo horjeeda.

“Hadii xildhibaanadaas wax soo gaaraan waxaa ka mas’uul madaxtooyada Soomaaliya iyo xildhibaanada mooshinka wada” ayuu sidoo kale yiri Xildhibaan Cabdi Barre.

Xildhibaanada diidan mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiweli ayaa ku guuleystay iney 3 mar oo kala duwan fashiliyaan mooshinkaas, oo la rumeysan yahay in madaxtooyadu gadaal ka riixeyso.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!