Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo loo sameynayo ilaalo gaar ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo loo sameynayo ilaalo gaar ah

Muqdisho – Mareeg.com:  Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in ilaalo gaar ah loo sameynayo xildhibaan walba oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii ay soo laalaabteen dilalka loo geysanayo xildhibaanada.

Kulan manta baarlamaanka yeeshay oo looga doodayey miisaaniyadda dowladda ayaa gudoonka baarlamaanku ka sheegay in xildhibaan kasta loo sameyn doono ilaalo gaar ah, iyadoo gunada ay qaadanayaan Ilaalada xildhibaanada lagu daray miisaaniyada dowladda Soomaaliya.

Gudoonka ayaa sheegay in xildhibaan kasta loo sameynayo 2 ilaalo oo gaar ah, waxaana la sheegay in xildhibaanada ilaalada loo sameynayo yihiin kuwa aan aheyn wasiirarada ama wasrii ku xigeenada ah, kuwaasoo iyagu horay u heystay ilaalo gaar ah.

Arrintaan uu gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ku go’aamiyay in xildhibaan walba loo sameeyo labo askari ilaalo u ah ayaa ka dambeysay kadib markii dhowr xildhibaano lagu dilay magaalada Muqdisho, halka qaarkood la dhaawacay.

Alshabaab ayaa dhowr jeer ku hanjabay iney beegsanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen iney sameeyeen sharciyo kazoo horjeeda shareecada Islaamka.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahan ka doodayeen miisaaniyad sanadeedka 2014 ayaa maanta guda galay u codeynta miisaaniyadan, iyadoo maalinta berri dib loogu dhigay ansixinta miisaanada sanadka 2014/2015 ee dhowaan ay soo gudbisay wasaarada maaliyadda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.