Xildhibaanada oo si degan loogu qeybiyey mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumada RW Cabdiweli

Read Time:1 Minute, 5 Second

Mareeg.com: Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa loogu qeybiyey Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Xukumadda Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale loo qeybiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2015 iyo Hindise Sharciyeedka dhismaha Guddiga Xaduudaha iyo Federaaleynta dalka.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadiray 208 Xildhibaan, waxaana shir gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana goobjoog ahaa Guddoomiye ku-xigeennada Koowaad iyo Labaad, Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabadalle Cawad.

Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda RW Cabdi Weli ayaa si caadi ah oo buuq la’aan ah loogu qeybiyey mooshinka, inkastoo markii hore Xildhibaannada qaarkood ay dood ka keeneen habraaca loo marayo mooshinkaas.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa ay ahaayeen kuwo degen oo aysan ka muuqan wax colaad ah sidii labadii kulan ee ugu dambeeyay laga dareemayay.

Mooshinka ka dhanka ah ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in xildhibaanada ay ka doodaan maalinta khamiista ah kulanka ku xiga oo dhacayana Sabtidana uu noqonayo mid cod loo qaado.

Dhan kale, Afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa xusay in maalinnimada beritto ah ay Baarlamaanka hor imaan doonaan Wasiirrada Maalliyadda iyo Arrimaha Gudaha si ay Xildhibaannada ugu kala akhriyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015 iyo Hindise Sharciyeedka Xuduudaha iyo Federaaleynta dalka.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %