Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha oo ka jawaabay Qoraalkii Jawaari (Akhriso)

Read Time:1 Minute, 18 Second

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta soo saaray qoraal ay kaga jawaabayaan go’aan maalin ka hor ka soo baxday Guddoomiyaha Baarlamaanka oo looga hadlayay Maareynta Mooshinka Madaxweynaha iyo in mooshinka lagu dhameeyo wada hadal.

Warqadan ay qoreen Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka keenay ayaa dhaliilay Sharciyadda uu adeegsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka xilligii uu warqada soo saaray oo uu ahaa Ku simaha Madaxweynaha, isla markaana Madaxweynaha dalka ka maqnaa

Xildhibaanada ayaa sheegay in aanay habooneyn in aan la isku dhafin awoodaha Hey’adaha dowladda, sida Dastuurka qabana ay tahay in hey’ad walba ay madax banaan tahay, waajibka saarana u gudato sida dastuurka waafaqsan.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay in mooshinka laga keenay Madaxweynaha ay lagama maarmaan tahay in loo maro sida dastuurka dalka uu qabo.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in la dar dar geliyo hab raaca socodsiinta Mooshinka Madaxweynaha, iyagoo ka digay in aan dalka loo horseedin khilaaf aan dhamaan iyo inuu khilaaf run ah ka dhex dhasho Baarlamaanka.

Waxaa kaloo ay ku baaqeen in mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda sare ee dalka oo isku bedeleysa Maxkamad dastuuri ah muddo ka kooban saddex cisho, kana bilaabaneysa 7-da bishan, kuna eg 9-ka bishan.

Xildhibaanada ayaa waxay ka digeen hadidi aan la yeelin oo aan Maxkamadda sare loo gudbin Mooshinka ay tallaabo sharciga waafaqsan qaadi doonaan.

Ugu dambeyn Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu xilkiisa u guto si dastuuro ah, oo waafaqsan dastuurka iyo xeer hoosaadka.

Hadaba halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweynaha:-mooshin1

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %