Xildhibaanada ka maqan Muqdisho oo laga dalbay iney degdeg ku xaadiraan shirarka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada ka maqan Muqdisho oo laga dalbay iney degdeg ku xaadiraan shirarka

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku wargeliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iney usoo xaadiraan gudashada howlaha adag ee horyaala Xildhibaannada Baarlamaanka oo ay ugu horeyso ka doodida iyo ansixinta Miisaaniyadda.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa yiri “anigoo ku hadlaya magaca Gudoomiyaha Golaha Shacabka waxaan si xushmad leh ugu yeerayaa Xildhibaannada xubnaha ka ah Golaha Shacabka ayaga oo fulinaya waajibaadka Dastuuriga ah iyo xeer Hoosaadka Golaha Shacabka qodobkiisa 16aad iney usoo xaadiraan Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka oo furmay 22ka bishan March“

“Golaha Shacabka waxaa haatan horyaala arimmo aad iyo aad xasaasi u ah islamarkaana muhiim u ah, anigoo Xildhibaannada Sharafta leh xusuusinaya ineysan Miisaaniyadda sanadkan 2014 oo dhameystiran ansaxsaneyn, miisaaniyadda hada lagu dhaqmayo ee uu Golaha ansixiyey fasaxiisa Dastuuriga ah ka hor waxa ay ku egtahay 31ka bishan, waqtigaasi oo aysan Xukuumaddu bixin Karin wax dhaqaale ah, dhammaan howlaha miisaaniyadda quseeya oo ay mushaarooyinka ugu horeeyaan wey joogsanayaan“ ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mahad Cabdalla Cawad.

“Ugu dambeyntii waxaan mar labaad ugu yeereynaa Xildhibaannada Sharafta leh ee jira gobollada Dalka iyo dalka dibaddiisa iney sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo xaadiraan xaruntooda shaqo ee Muqdisho si ay dib ugu furmaan fadhiyadii caadiga ahaa, guluhuna si hufun ugu guto waajibkiisa Qaran oo ay ugu horeyso Miisaaniyadda 2014ka oo hada gacanta lagu hayo” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!