
Kulankaan ayaa waxa ay mudanayaasha Golaha shacabka codugu qaadeen Xisaab Xirka 2015-kii, waxaa ogolaatay 142 Mudane , iyadoo ay diideen 11 mudane sidoo kale waxaa ka aamusay 3 mudane,sidaas ayuuna ku ansaxay xisaab xirka 2015-kii.
Sidas si la mid ah mudanayaasha Golaha waxay cod u qaadeen Xisaab xirka 2016, waxaa ogolaaday 141 , waxaa diiday 12 mudane , waxaa ka aamusay 3 mudane sidaas ayuu ku meel maray xisaab xirka 2016-Kii.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida ay u ansixiyeen xisaab xirka Sanadihii 2015 iyo 2016-kii.
Dhinaca kale waxay mudanayaasha cod u qaadeen Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddiga madaxbanaan la dagaalanka musuqmaasuqa, waxaa ogolaaday 141 mudane, ma jirin xildhibaano diiday iyo kuwa ka aamusay.
Sidaas ayuuna ku meel maray Hindise sharciyeedkaan.
Waxaa uga mahad celiyay mudanayaasha Golaha Shacabka wasiirka cadaaladda sida wanaagsan ay u ansixiyeen sharcigaan oo muhiim u ah dalka.