Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya

Read Time:31 Second

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa kulankoodii 14aad ee caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah  Akhrinta 1aad  ee Hindise Sharciyeedka jaangooynta iyo tayadhawrka Soomaaliyeed iyo sidoo kale  ka doodista xisaab xirka miisaaniyadda dowladda ee Sanada 2017.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Golaha,waxaana hortegi doona Xubno ka socda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sabtidii la soo dhaafay ee todobaadkaan ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka kulan ay yeesheen ayaa  waxaa ay akhrinta koowaad marsiiyeen  sharciga Dakhliga dalka.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %