Xildhibaanada diidanaa mooshinka oo sheegay inay diyaar u yihiin in cod lagu kala baxo

Read Time:1 Minute, 32 Second

Xildhibaanadii diidana mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka ee lagu go’aamiyay xilliga uu dib u bilaabanayo kulamadii baarlamaanka.

Go’aan shalay ka soo baxay Gudoonka Baarlamaanka ayuu ku shaaciyay in la soo afjaray khilaafkii baarlamaanka iyo xaaladihii buuqa iyo jahwareerka ee hareeyay kulamadii Baarlamaanka, isla markaana Maalinta Talaadada uu furmayo kulanka Baarlamaanka.

Xildhibaan Cabdi Barre Jibriil oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka ayaa sheegay inay tanaasul sameeyeen, kadib markii ay dhowr jeer is hor-taageen mooshin uu ku tilmaamay inuu sharci daro yahay, isla markaana ay ogolaadeen in kulanka Baarlamaanka uu ku furmo si ka duwan sidii hore

“Arrinta Gudoomiyaha uu sheegay aad baan u soo dhoweynaynaa, waxayna ku timid tanaasul aan anaga sameynay, sababta aan u sameynay ma aheyn in inaan ka tanaasulnay mooshinkii sharci darada ahaa, waxaan ogolaanay wax alla wixii uu ku furmi karo kulanka Baarlamaanka uu ku furmo, taas ayaa go’aansanay”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre.

Xildhibaanka ayaa ku adkeystay in mooshinka uu yahay sharci daro ah, isla markaana uu yahay mid siyaasadeysan, waxaana uu xusay inay diyaar u yihiin in xildhibaanada saaxibadood ah inay ka dhaadhiciyaan in mooshinka ay la ordayaan uu qalad yahay.

“Waa mooshin siyaasadeed oo ah Bam qarxaya oo Baarlamaanka lagu soo tuuray, hadii ay diidaan talooyinkeena waxaa diyaar la nahay inaan cod ku kala baxno, waxaana ku rajo weynahay inaan ka guuleysano oo mooshinka ay la ordayaan qarka ka tuurno”ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Barre oo wareysi siiyay BBC-da

Kulamo maalmihii u dambeeyay socday oo ay ku lug lahaayeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn lagu guuleystay in dib loo soo celiyo xasiloonidii kulamadii baarlamaanka, isla markaana si caadi ah oo degenaan ku jirta loo wada fariisto maalinta Tallaadada.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.