Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka shiray amaankood

Read Time:1 Minute, 41 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan deg deg ah oo ay uga hadlayeen ammaanka dalka, gaar ahaaan amaanka xildhibaanada oo labada maalmood ee lasoo dhaafay la kulmay dilal iyo dhaawac.

Kulanka baarlamaanka ee maanta oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen islamarkaana si gaar ah diiradda lagu saaray amniga xildhibanada, waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, iyadoo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo furiraankii golaha shacabka ka hadlay ayaa ugu horeyn tacsi u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka tageen xildhibaanadi shalay iyo manta lagu dilay Muqdisho.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanadu aysan shaqadooda u joojin doonin dilalka loo geysanyo.

“Magaciina anigoo ku hadlaya waxaan jeclahay in shacabka aan u xaqiijino in xildhibaanada golaha shacabka Qaranka aysna marna ka hakan doonin howlaha iyo dhismaha dowladnimada ee aan u dhaaranay, maalinkii aan dhaaranay waxaan nahay naftii huriyaal kama istaageyno, mana ka qalbi jebeyno arrimaha tan ee lala beegsanayo Xildhibaannada” ayuu yiri Jawaari.

“Xildhibaan kasta waxa uu diyaar u yahay in uu guto xilkiisa ilaa iyo inta shacabka Soomaaliyeed ay soo noqoneyso dowladnimadoo iyo qaranimadooda, in Alle iyo intii nabad diidka ah waxaan Alle uga baryeynaa in uu qalbigooda soo duwo” ayuu markale guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Lama sheegin waxyaabaha baarlamaanku doonayo inuu ku ilaaliyo xubnihiisa, kuwaasoo intooda badan aan laheyn ilaalo u gaar ah, islamarkaana ku eg hoteellada la ilaaliyo iyo agagaaraha madaxtooyada Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sheegtay dilalka loo geystay labada xildhibaan, waxeyna ku hanjabeen iney sii wedayaan dilka xubnaha ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiir ku xigeenka amaanka Soomaaliya, Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa sheegay in 3 qof loo qabtay dilkii manta Muqdisho loogu geystay xildhibaan C/caziiz Isxaaq Mursal oo lagu dilay degmada Dharkeynley.

Shalay ayaa qarax gaarigiisa lagu qaroyey lagu dilay xildhibaan Isxaaq Maxamed Ibraahim, waxaana islaqaraxaas ku dhaawacmay xildhibaan kale oo lagu magacaabo Maxamed Cali Dhuux iyo 2 qof kale oo rayid ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %