Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulmaya
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka doodi doona Ajandayaal badan waxaana kamid ah la dagaalanka musuq maasuqa,iyada oo loo qeybin doono Sharciga ladagaalanka Musuq maasuqa.
Kulanka maanta ee yeelan doonaan Xubnaha Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa in uu goobjoog ka noqdo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya isaga oo Baarlamaanka kahor akhrin doona Sharciga la dagaalanka Musq maasuqa.
Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay amnigeeda.
Comments are closed.