Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulmaya

Read Time:39 Second

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Dr C/Raxmaan Ducaale Bayleh ayaa maanta horgeyn doona Miisaaniyadda dalka ee sanadka 2018-ka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo ansaxiyo.

Wasiirka oo isu diyaariniya hortegitaanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan Miisaaniyadda 2018-ka aan dhamaystiro diyaarinteeda, taasi oo maanta aan ka hor jeedinayo Baarlamaanka JFS.

Waxaan diyaar u nahay in aan Dhakhliga kor u qaadno oo aan si daah furan u shaqeyno”.

Miisaaniyadda dalka ee sanadka soo socda ee 2018-ka ayaa hore looga ansixiyay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasoo loogu talagalay inay ku shaqeyso dowladda, waxaana haatana lagu wadaa in laga ansixiyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %