Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulmaya

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa la horgeynayaa maanta Aqrinta 2-aad ee Hindise sharciyeedka Kheyraadka biyaha kaas oo ay soo diyaarisay Wsaaradda Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya.

Hindise sharciyeedka Kheyraadlka Biyaha ayaa horay u soo maray aqrinta 1-aad, waxaana maanta la marinayaa midda 2-aad iyada oo ay u dhiman tahay aqrinta Saddexaad.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Muddooyinkii dambe la horgeynayay hindise sharciyeedyo oo ay soo diyaariyeen qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumada Soomaaliya.