Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulmaya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulmaya

Waxaa maanta oo sabti lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho waxaana kulankaasi looga hadli doonaa qodobo badan.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa ay u yeereen Wasiirada Cadaalada iyo kan Dastuurka si ay u horyimaadaan Xubnaha Golaha Shacabka,iyada oo la filayo in uu Maanta hortago Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.

Wasiirka Garsoorka ayaa Xildhibaanada waxa ay wax ka weeydiin doonaan dhismaha Golaha Adeega Garsoorka oo ay doonayaan in isbedel lagu sameeyo,iyada oo lafilayo in sidoo kale Maalinta Berito ah uu Baarlmaanka hortago Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Amaanka Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!