Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Yeelanaya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Waxaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankooda caadiga ahaa ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa looga hadli doonaa qodobo badan oo ay ka mid yihiin Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista ee dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in ay cod u qaadaan heshiiskaasi oo ay gashay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Sharciyo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiiradda oo laga doonaayo in ay meelmariyaan  waxaana Sharciyadaas kamid ah Sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa.

Ammaanka Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Golaha Shacabka ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah loo leeyahay la diidayo inay maraan Wadooyinkaasi.

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!