Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Ku Leh Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Ku Leh Muqdisho

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu kulankooda caadiga ahaa uga socdaa Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, iyadoona Ajendaha looga hadlaayo kulanka uu yahay dhegeysiga warbixinta Guddigii loo saaray kiiskii C/Kariin Sheekh Muuse.

27 August eyay dowlada Soomaaliya ku wareejisay Itoobiya C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax,kaas oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Ururka OLNF ee la dagaallama dowlada Itoobiya.

Go’aankaas waxaa uu dhaliyay buuq siyaasadeed,waxaana ay dowlada Soomaaliya kala kulantay caro badan oo ka soo wajahday dhinaca shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa u saaray bishii September guddi ka kooban 15 Xubnood,kuwaas oo muddo loo siiyay in ay ku soo baaraan.

Guddiga ayaa dhowr jeer oo hore muddo kordhin loo sameeyay waxaana kama dambeys maanta laga sugayaa in Golaha shacabka ay la wadaagaan natiijada baaristooda.

Kulanka hada uga socda Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Xaruntooda Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa ah mid si gaar ah isha loogu haayo, waxaana kulanka Goobjoog ah 156 Xildhibaan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!