Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maanta Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Biyaha

Golaha shacabka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay ku ansixiyeen Hindise sharciyeedka biyaha oo ay soo gudbisay Wasaaradda Biyaha iyo Korontada.

150 Xildhibaan oo maanta Xaadirtay fadhiga ayaa 147 ka mid ah waxaa ay haa ugu codeeyeen Hindise sharciyeedka biyaha iyada oo saddex ka mid ah Xildhibaannada ay diideen.

Ma jirin Xildhibaanno ka aamusay Hindise sharciyeedka Biyaha ee ay Wasaaradda Biyaha iyo Korontada soo gudbisay.

Ansixinta Hindise sharciyeedkaas kaddib ayaa Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Korontada Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow, waxaa uu xildhibaannad uga mahad celiyay sida ay u gudbiyeen sharciga Biyaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda dowlada ee Sanadkii 2015/2016.