Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo looga digay Laluushka Qaadashada iyo Qabyaalada
Dowlad walba oo la dhiso Soomaaliya waxay noqotey mid lugu tilmaamo in ay tahay Dowlad musuq maasuq ah, waxaad maqleeysa lacag badan ayaa la dhacay ama lacag laaluush ah ayaa la siinaya Xildhibaanada Baarlamaanka.
Maalmaahan waxaa Xukunka isku heysta Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihiisa Mudane Cabdi Faarax ( Saaciid) tan kale waxaad maqleeysa in qodobo ka mid ah Dastuurka in la isku heysto, hase yeeshe wax walba waxay leeyihiin meel loo noqdo.
Xeel Dheerayaal wax badan kala Socda Siyaasada iyo is qab qabsiga Madaxda Dowlada ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxa ay uga digeen in ay Laaluush qaataan ayna Soomaaliya u horseedaan bur bur iyo Dowlad xumo.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa laga rabey :
1- In Dastuurka la isku heyso in ay saxaan wixii qalad ah ka saaran
2- In ay la dagaalamaan musuq maasuqa ka jira Dowladda dhexdeeda
3- In ay mar walba ay saxaan wixii Qalad ah ee ee Dowladda dhexdeeda soo gala
4- In ay Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaraha u sheegaan Qof kaste wixii Shaqadiisa ah iyo Wixii aan Shaqadiisa aheyn
5– In ay u doodaan Xaquuqda ay leeyihiin Shacabka Soomaaliyeed
6- In ay iska Ilaaliyaan in ay saxiixaan Hashiisyo ah Qiyaano Qaran a
7– iyo kuwa badan oo aan halkaan ku soo koobi karin
Beryahaan waxaad war baahinta ka maqleeysa Xildhibaano la safan Madaxweynaha oo dhahaya Lacag i sii aniga Ra’iisal wasaaraha Xukunka ka ridaayo iyo Xildhibaano kale oo dhahaayo Ra’iisal wasaare aanaaga ku difaaceeno ee maxaad noo o goshay oo lacag ah.
Waxaa danbi weyn ah in Qof mas’uul ah uu Laaluush Qaato maxaa yeeley waa arrin ceeb ah oo Sharaftaada iyo mida Shacabka aad mas’uulka aad u tahay ayaad meel ugu dhaceeysa.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha waxaa meesha keeney Waa Xildhibaanada Soomaaliya marka waxaa loo baahan yahay marka hore in Xildhibaanada ay iska dhaafaan Laaluushka iyo Qabyaalada tan kale waa in ay kala raacan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Shacabka Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay Maamul Wanaagsan iyo Hoggaamin
Mr. Dahir Mohammed Sheikh
Email: dahirms@gmail.com
Nairobi kenya
Comments are closed.