Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland Oo Shaaciyay Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada

Read Time:39 Second

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi ayaa waxa ay kulankooda ugu hadleen arrimo dhowr.

Golaha Puntland kulankood maanta waxa ay ugu hadleen doorashada ku soo fool leh maamulka Puntland, isla markaana Go’aamiyay xiliga ay dhaceyso Doorashada madaxtinimada maamulka,kadib markii ay dhamaatay waqtigii xilheynta Madaxweyne Gaas.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxa Go’aamiyeen waqtiga la filaayo in ay dhaco doorashada Madaxweynaha Puntland,waxaana ay isku raacayn golaha in Doorashada madaxtinimada Puntland ay dhacdo 8-da January ee Sanada 2019-ka.

Waxaa sidoo Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay kulankooda ku shaaciyeen xiliga lala kala diri doono golaha Puntland,iyagoona sheegay in la kala diri doono 31 Decembar ee sanadkan 2018,si loo bilaabo soo xulitaanka Xildhibaanada Cusub ee Puntland .

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %