Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Yeelan Doona Kulan Xasaasi Ah
Waxaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana kulankooda ay ugu hadli doonaan qodobo dhowr ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Qodobada maanta ay kulankooda ugu hadli doonaan ayaa waxaa kamid ah Go’aankii ay horay Maxkamada sare ay ku laashay ilaa 8 Xildhibaan kadib markii muran la geliyay islamarkana ay amartay in dib loogu laabto Doorashadooda.
Xildhibaan kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta dood dheer ay ka yeelan doonaan arinta ku aadan muranka ka dhashay doorashada 8 mudane,kadib markii dhowr jeer ay Dacwad Maxkamada Sare u gudbiyeen dad sheegay in kuraastoodii looga qaatay si musuq maasuq ah.
Waxaa sidoo kale lagu wadaa in Xildhibaanada Maanta ay ka doodaan Ajandooyin kale iyadoona si weyn loo adkeeyay Amniga Wadooyinka soo gala Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Comments are closed.