Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Yeeshay & Guddi La Magacaabay

Xildhibaanada cusub Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka waxa ayna Magacaabeen guddi ka shaqeyn doona doorashada gudoonka Baarlamaanka dowladda Soomaaliya.

Xildhibanaada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kalfadhigooda koowaad kulankiisii Saddexaad ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay magacaabeen guddi xildhibaano ah oo ka kooban 15 xubnood.

Xubnaha guddiga ee maanta la soo magacaabay ayaa waxaa lagu qeybsaday Nidaamka ay Soomaalidu wax ku qeybsato ee 4.5.

Dhinaca kale Xildhibaanada Baarlamaanka hortooda waxaa lagu dhaariyay seddex xildhibaan oo kamid noqonaya Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

About Xuseen Axmed 1576 Articles
Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia