Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Leh

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankooda caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Baarlamaanka maanta waxaa looga hadli doonaa Akhrinta koobaad heshiiska is dhaafsiga Maxaabiista Soomaaliya iyo Hindiya, Akhrinta labaad Hindise Sharciyeedka Caafimaadka iyo Warbixinta Guddiga Gaadiidka ee Golaha Shacabka.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu wadaa in la horgeeyo Sharciyo kale oo Muhiim ah iyo kuwo kale oo ay Xildhibaanada ka doodi doonaan.

Ammaanka Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Shacabka ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana Gaadiidka rayidka ah loo diidayaa inay maraan Wadadaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.