
Read Time:21 Second
Waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeelanayaan kulankooda 1-aad ee kal fadhiga 5-aad kadib markii todobaadkii la soo dhaafay uu daah furay Madaxweynaha Sooomaaliya.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin badan oo ay qeyb ka yihiin dardargalinta Shuruucda doorashooyinka iyo la xisaabtanka Xukuumadda.
Sidda ay xaqiijiyeen xubno ka mid ah Golaha Shacabka kulanka ayaa waxaa warbixin loogu dhageysan doonaa guddiga dib u eegista dastuurka.