Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Go’aan Ka Gaaray Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Go’aan Ka Gaaray Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil

Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa aqbalay raali gelin uu bixiyay wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil iyagoo sidoo kale u fasaxay in uu sii wato howlihiisa shaqo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay saakay Xarunta Golaha Shacabka ajandaha kulanka ayaa ahaa go’aaan ka gaarista xil heynta Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay  dhawaan arrinta Wasiir Xoosh, kaddib markii uu todobaadkii hore hor imaan waayay Baarlamaanka Soomaaliya.

Arbacadii aynu soo dhaafnay ayaa lagu waday Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya In ay go’aan ka gaaraan arinta Wasiirka balse kooram la’aanta kulanka soo wajahay ayaa sababtay in kulanka loo dhigo ilaa maanta oo Sabtida ah.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhawaan ka hor yimid go’aanka Baarlamanka Soomaaliya ay ka qaateen kuraasta 8-da aheyd ee dhawaan Maxkamdda Sare ee dalka ay sheegtay in lagu laaban doono Doorashadooda.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!