Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Diiday In Lagu Laabto Doorashada 8 Kursi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Diiday In Lagu Laabto Doorashada 8 Kursi

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa cod Aqlabiyad leh ku meel mariyay in aan dib loogu laaban 8 kursi oo Maxkamada sare ee Dalka ay sheegtay in dib loogu laabanayo Doorashadooda.

Xildhibaadana Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay saxtahay Doorashada ay kusoo baxeyn 8 kursi oo Maxkamada sare ay sheegtay in dib loogu laabanayo Doorashadooda islamarkaana go’aanka kasoo baxay Maxkamadda sare ee Dalka uu yahay mid aan la Aqbali karin.

Kulanka maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa kasoo qeyb gashay 184-xildhibaan 180- ayaa diiday in dib loogu laabto Doorashada.

Maxkamada Sare ee dalka ayaa go’aamisay 26-kii Bishii May ee in dib loogu laabto Doorashada Kuraastaan oo lagu eedeeyay in qaabkii lagu soo doortay ay aheynin qaab xalaal ah balse ay tahay qaab musuq maasuq ah.

 

Seddeda Xildhibaan ee la diidan yahay Doorashada ay ku soo baxeyn ayaa waxa ay kala yihiin

 

Cabdullahi Maxamed Adan Shaacir

Maxamed Saciid Cabdullahi

Maxamed Axmed Abdtidoon

Nadif Aadan Isaaq

Muna Khalif Sheekh Abu

Cabdicasis Salax Carmaan

Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

Samra Ibrahim Cumar

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!