
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa goor dhow ansixiyay sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, kaasoo horay uga soo doodeen, isla markaana maray illaa saddex akhrin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sharcigan labo jeer cod loo qaadyao, waxaana 12 Xildhibaan ay soo jeediyeen qoraal ay ku codsanayaan in wax laga bedelo qodobada qaar ee hindise sharciyeed.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay qodobada ay dalbanayaan in wax laga bedelo, isagoo soo jeediyay in sharciga loogu yeeri Sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, lagana bedelo magaca ah Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Federaalka.
Intaas kaddib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa dalbaday in cod loo qaado sharcigan, waxaana codka oo ahaa gacan taag waxaa ogolaatay 164 Xildhibaan, halka 11 Xildhibaan ay diiday, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ka mahad celiyay ansixinta Sharciga Hanti Dhowrka Guud, isagoo balan-qaaday in sharcigan ku dhaqmi doonaan, isla markaana uu yahay sharci si aad ah looga soo shaqeeyay.
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa inay guda galaan dooda ku aadan Xeerka Bangiga Dhexe oo horay Golaha Wasiirada isugu soo raaceen wax ka bedelkiisa qodobka 130aad, waxaana Baarlamaanka loo soo gudbiyay dib u eegis lagu sameeyo qodobada xeerkaas, gaar ahaan qodob ogolaanaya in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe uu noqon karo shaqsi ajnabi ah.
Madaxtooyada ayaa tan iyo xalay olole iyo galaan gal badan ugu jirtay in wax ka bedelka xeerkan, waxaana Xildhibaanada ku maqnaa safaro dibadda ah si degdeg loogu yeeray inay dalka ku soo laabtaan, si loo ansixiyo qodobadaas.