Xildhibaanada Baarlamaanka Oo Ansixiyay Heshiiska Maxaabiis Isdhaafsiga Ee Dowladaha Soomaaliya iyo India.

Read Time:26 Second

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta Kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey heshiiska isu celinta Maxaabiista ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo India.

Kulanka maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa goobjoog ahaa 161 Xildhibaan oo dhamaantood wada ogolaaday heshiiska, mana jirin Xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay heshiiska.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla Sharciyo badan ay soo gudbiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumada oo laga doonaayo in ay meelmariyaan ,iyadoona Sharciyadaas ay kamid yihiin Sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa iyo kuwo kale.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.