Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo xilkii ka qaaday Maxamed Xaashi Carabey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo xilkii ka qaaday Maxamed Xaashi Carabey

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug oo maanta kulanka kuleh Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kalsoonidda kala laabtay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi  Carabey.

140 Mudane ayaa u codeynay in Xilka laga qaado Madaxweyne Carabey, waxaa diiday 1 Xildhiban halka uu ka aamusat 1 Xilibaan.

Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo isna shalay Xildhibaano ka tirsan Galmudug ee ku sugan Cadaado ay mooshin ka gudbiyeen ayaa ku dhawaqay Natiijadda Kalsooni ka noqoshada Madaxweyne ku xigeenka.

Dhinaca kale waxaa hadal jeedinanya guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug waxayna Gudoomiye u doorteen Xillibaan Sayid Cali Xaashi Nuur, halka Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Doorashadda laga dhigay Xillibaanad Canab Maxamed Cosoble iyo Xubne kale.

Lasoco wixii ku soo kordha Wararkan Insha Allaah.

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!