Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo maanta magacaabay Guddi Doorasho

Read Time:39 Second

Kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug  qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay uga doodayen mooshin ka dhan ka ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay inta Xildhibaanada Baarlamanka Galmudug ee sugan Dhuusamareeb,kuwaasi oo doonaye in ay Codka kalsoonida kala noqdaan Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Waxaa ay sheegeen Xildhibaanada in maalinta berri ah Codka kalsoonida kala noqoshadda Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug lagu dhawaaqi doono.

Dhinaca Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa uu magacaabay guddig Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka maamulka Galmudg,maadaama horey xilka looga qaaday sida uu sheegay Xareed Cali Xareed .

Guddiggaan ayaa ka kooban 11 xubnood, waxaana ay ka shaqeyn doonaan doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

 

 

 

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %