Xildhibaan Xoosh oo madaxweyne Xasan kula doodaya Shabeellaha Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan Xoosh oo madaxweyne Xasan kula doodaya Shabeellaha Dhexe

Mareeg.com: Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil, oo horayna usoo noqday wasiir ayaa si kulul u dhaleeceeyey warar maalmahaan soo baxayay oo sheegaya in laga yaabo in madaxweyne Xasan Sheekh maamul cusub u magacaabo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xildhibaan Xoosh ayaa wax aan habooneyn ku tilmaamay in madaxweyne Xasan xilligaan oo uu soo dhawaaday sanadka 2016 uu faraha la galo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Waqti yar ayaa ka dhiman 2016-ka, ma ahan in madaxweynuhu uu xilligaan faraha la galo arrinta Shabeelaha Dhexe” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xoosh.

Xildhibaanka ayaa sheegay in maamulka hadda ka jira Shabeellaha Dhexe uu wax badan qabtay uusan mudanyahay in laga leexdo ilaa laga gaarayo sanadka 2016

“Dad ayaa kasoo shaqeeyay gobolkaas, oo shaqo fiican soo qabtay, waxaa ku talinayaa in loo dhaafo, wax wanaagsanna ma ahan in madaxweynuhu arrin siyaasadeed ku sarifto maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe,” sidoo kale yiri xildhibaan Xoosh.

Xildhibaanka ayaa xusay in horay loogu fashilmay maamulladii Jubbooyinka, Koofur-galbeed iyo maamulka gobollada dhexe, isagoo ku baaqay in dadka deegganka iyo xildhibaannada deegaanka loo daayo arrinta Shabeellada Dhexe.

“Madaxtooyada haddii wax walba ay faraha la gasho waa dhibaato, waxaan qabaa inay khalad tahay in madaxweynuhu uu siyaasad ahaan isku furto maamulka gobolka Shabeellada dhexe, waa inuu ogaadaa maahmaahdii oranaysay – Meeshaa nin ku qaadatay nin ayaad uga tagtay -,” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u hartay hal sano, isla markaana marka la gaaro bisha Ogoosto 2015-ka aanu madaxweynuhu waxba magacaabi karin, isagoo xusay in waqtiga la haysto uu yahay mid yar oo haddii shaqsi cusub oo bulshada hadda baranaya gobolka madax looga dhigana wax ay soo kordhinayso ma jirto.

“Aniga waxaa baarlamaan ahaan wakiil ka ahay Puntland, balse waxaan ka ka mid ahay reer Shabeellada dhexe, madaxweynaha siyaasad ahaan ayuu rabaa inuu sarifto mana ka yeelayno,” ayuu hadalkiisa daba-dhigay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaanahaan ku guda jirya maamul u sameynta qaar ka mid ah gobollada dalka, arrimahaas oo intooda badan muran ka dhalanayey.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!