Xildhibaan Xalay Ku Geeriyooday Hoteel Ku Yaalla Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan Xalay Ku Geeriyooday Hoteel Ku Yaalla Muqdisho

Muqdisho, Mareeg.com: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, isagoo u geeriyooday.

Xildhibaanka geeriyooday waxaa laagu magacaabi jiray Xasan Muxumad Cali (Sokorliin), wuxuuna ku geeriyooday hotelka Muna ee magaalada Muqdisho o uu deganaa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Xildhibaan Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa XIldhibaannada Golaha Shacabka oo isagu goor dhoweyd oo caawa ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, Waxaan hor iyo horaan doonayaa inaan halkaan tacsi uga diro anigoo ku hadlaya magaceyga, magaca gudoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka geerida naxdinta leh ee ku timid caawa Allaha u naxariistee walaalkeen Xasan Muxumad Cali (Sokorliin) oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaan tacsi gaar ah u dirayaa qoyskiisa iyo carruurtiisa, guud ahaanna dadka Soomaaliyeed waan uga tacsiyadeynayaa Xildhibaankooda oo geeriyooday”

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey Marxuumka geeriyooday inuu naxariistiisa jano siiyo,qoyskiisa, carruurtiisa iyo guud ahaan shacbiga Soomaaliyeedna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

Dhawaan waxaa geeriyooday labo xildhibaan oo kala ahaa Cumar Islow xanuun u geeriyooday, iyo Maxamed Warsame (Faysal) oo ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa oo marayey meel ku dhow xafiiska R/wasarihii hore Saacid.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!