Xildhibaan Saadaq Cabdi oo isku diiwaan geliyay u tartamidda xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka

Read Time:1 Minute, 38 Second

Xildhibaan Sadiq Abdi oo u tartamaya qabashada xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaatay shahaadada musharaxnimo ee Gudoomiyaha Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.


Xildhibaan Saadaq Cabdi ayaa leh khibrad badan oo dhanka dowlad dhisida ah, wuxuuna shaqada dowladda soo bilaabay 20 sano ka hor, waxaana 2002dii uu noqdey Xoghayahii Golaha Wasiiradda ee Dowladdii KMG ee Carta lagu soo dhisey, sidoo kale 3 sano ka hor wuxuu ahaa wasiirkii Howlaha Guud & Dib u dhiska Soomaaliya.


Xildhibaan  Saadaq Cabdi oo  la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Musharaxiinta ugu cad cad, isla markaana noqon karo ninka xilligan hoggaamin kara Baarlamaanka 11aad, soona celin kara heybadii iyo sharafkii uu Golaha Shacabka.
Hoos ka akhriso qoraal uu soo saaray Xidhibaan Saadaq kadib markii uu qaatay shahaadada musharaxnimo ee gudoomiyaha golaha shacabka.


Barlamaanka waa institution ama haykalka dowladeed ee ugu miisaanka iyo  masuuliyadda culus ee dalkeena, waxaana igu dhalisey in aan xilkaan culus ee Guddoonka Barlamaanka Soomaaliya isu soo taago sababahaan hoos xusan iyo kuwa kale oo khudbadeyda oo faahfaahsan barlamaanka hortiisa ka jeedin doono:


𝟏. 𝐈𝐧 𝐁𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐨 𝐠𝐨𝐥𝐥𝐞 𝐡𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐬𝐨𝐨𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲, 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐛𝐚𝐧𝐚𝐚𝐧, 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐢 𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐤𝐚 𝐮 𝐚𝐡 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐡𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚.
𝟐. 𝐈𝐧 𝐥𝐚 𝐡𝐞𝐥𝐨 𝐢𝐬𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐥𝐥𝐢𝐭𝐢𝐫𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐱𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐡𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢-𝐝𝐞𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚,  𝐟𝐮𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐠𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚.
𝟑. 𝐈𝐧 𝐥𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐨 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚𝐧 𝐪𝐚𝐛𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐪𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐭𝐢𝐢 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝟐𝟎 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐣𝐢𝐢𝐭𝐚𝐦𝐚𝐚𝐲𝐚, 𝐢𝐬𝐥𝐚-𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚𝐚𝐬𝐧𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐞𝐞𝐧𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐨 𝐦𝐢𝐝 𝐝𝐚𝐬𝐭𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐲𝐬𝐚.
𝟒. 𝐈𝐧 𝐛𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐝𝐨 𝐠𝐨𝐥𝐞 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐡𝐮𝐟𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧, 𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐣𝐚𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐢  𝐤𝐚𝐫𝐚 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.


Waxaan weydiisanayaa dhamanaan xildhibaanada sharafta ee Golaha Shacabka DFS in ay igu taageeraan in aan soo celiyo kalsoonidii baarlamaanka oo ah hay’adda ugu muhiimsan dowlad dhiska dalkeena, si looga hortago in ay isku milmaan hay’adaha dastuuriga ah ee Jamhuuriyada.
Ugu dambeyntii, waxaan idiin balanqaadayaa:
In barlamaanka uu noqdo golle si dhab ah u metala shacabka Soomaaliyeed, iyo inaan Gudoomiye u noqon doono dhammaan xubnaha Golaha Shacabka balse aan noqon doonin Gudoomiye koox gaar ah.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %