Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ku geeriyooday Muqdisho

Mareeg.com: Waxaa waabarigii hore ee saaka Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, kanasoo jeeday gobollada Baay iyo Bakool.

Xildhibaan Maxamed Isxaaq Cusmaan (Fanax) ayaa xaqiijiyey geerida xildhibaan Xaabsade.

Xildhibaan Fanax oo u warramay BBC ayaa sheegay in meydka Xaabsade maanta loo qaadi doono magaaladay Baydhabo si halkaas loogu aaso.

“Allaha u naxariiso waxaa saaka waabarigii Mqudisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsde, waxaana medykiisa maanta loo qaadayaa magaalada Byadhabo” ayuu yiri xildhibaan Fanax.

Xildhibaan Xaabsade ayaa horay uga mid ahaa hogaamiyaashii kooxaha Baay iyo Bakool, waxaana lagu xusuustaa inuu ahaa nin codkar ah oo aan fikirkiisa la gaban.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245