Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray weerar lagu qaaday saaka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray weerar lagu qaaday saaka

Allaha u naxariistee waxaa u geeriyooday dhaawacyo soo gaaray maanta Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan  oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kaasoo saaka ay kooxo hubeysan ku weerareen degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanka la dhaawacay ayaa ka tirsanaa Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Baarlamanaka waxa uuna ahaa Xoghayaha Guud ee Guddigaasi.

 

Xildhibaanka ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dabley watay gaari nuuca kaaribta ah oo madow iyadoo ay dableyda ay goobta ka baxsadeen.

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyay falka Xildhibaanka lagu weeraray.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!