Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan lagu doortay Muqdisho

34

Magalada muqdisho waxaa Maanta lagu qabtay doorashada kursi ka banaanaa Golaha Shacabka,kaas oo uu ka geeriyoodaty Ex- Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo lagu dilay Magalada Muqdisho.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamaya Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo uu dhalay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore iyo Axmed Cismaan Xaashi,waxaana kursiga ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

51 ergo ayaa codkooda dhiibtay,waxaana ay u kala heleen musharixiinta Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore oo helay 48 Cod halka Axmed Cismaan Xaashi uu helay 2 Cod, hal cod wuu halaabay,waxaana  Guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen in kursiga Xildhibaanimo uu ku guuleystay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore.

Kursiga ka banaanaa Golaha Shacabka ee Maanta doorashadiisu ay ka dhacday Muqdisho ayaa waxaa ka geeriyooday oo muqdisho lagu dilay Alle ha u naxariistee Ex-Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore 23kii Bishii Febaraayo Sanadkan 2019, waxana uu kasoo jeeday Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Soomaaliland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!