Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan lagu dhaawacay Qarax ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax maanta ka dhacay Degmada Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhashay Gaari lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa dhawac uu ka soo gaaray Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen oo ku dhaawacmay Qaraxa ayaa dhaawaciisa loo qaaday Isbitaal, si halkaasi loogu dabiibo.

Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in Qaraxaasi ay ku dhinteen labo Ruux oo Shacab ahaa.

Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxa.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!