Mareeg.com: Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dhaawac kasoo gaaray weerar lagu qaaday, xilli uu ku sugnaa xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. sidaas waxaa xaqiijiyeyXildhibaan Khaliif maxamed Xaaji.
Xildhibaanka la weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay sheegay C/llaahi Xasan Rooble, waxaana uu ka mid ahaa xildhibaano 5 ah oo maalmo ka hor lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in rag ku labisan dharka ciidamada dowladda oo gaari yar watay ay weerarka ku qaadeen Xildhibaankaan, oo dhaawac soo gaaray.
Dadka ku dhawaa goobta weerarku dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanku ka badbaaday isku daygaas dil, hase ahaatee uu dhaawacmay.
Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday xildhibaanka ku cusub baarlamaanka>
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.