Xildhibaan Kenyan ah oo wadahadal ugu baaqay Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan Kenyan ah oo wadahadal ugu baaqay Alshabaab

Mareeg.com: Guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in wada hadal ay ugu tagaan Al-Shabaab kadib weerarkii shalay lagu qaaday Kolanyo baabuur ah oo uu la socday gudoomiyaha deegaanka Mandera Ali Roba.

google_ad_client = "ca-pub-8474300217518919"; google_ad_slot = "9236637176"; google_ad_width = 528; google_ad_height = 90;

justify;”>Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ugu baaqay Al-shabaab iney badbaadiso Umadda Soomaalida ah ee ku nool wadanka Kenya, wuxuuna xusay iney diyaar u yihiin wadaxaajood.

“Al-shabaab waxaanu leenahay meel aanu idiinku nimaadno sheega, waxaanu diyaar u nahay inaanu idinla hadalno, waxaanu idiin soo diraynaa waxgarad culimoee meesha aan idiinku iman lahayn noo sheega” ayuu saxaafadda u mariyay Aadan Barre Ducaale.

Guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, wuxuu sidoo kale Al-shabaab ugu baaqay inay dhibaatada ka daayaan magaalooyinka Kenya oo ay Nairobi ku jirto.

Shalay ayay aheyd markii Alshabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen kolonyo galbineysay gudoomiyaha Mandera Ali Roba, waxeyna dileen ilaa 3 ka mid ah dadkii la socday, shan kalana wey dhaawaceen.

Ragga weerarka ku qaaday kolonyada gudoomiyaha ayaa sidoo kale gubay 2 ka mid ah gaadiidkii galbinayey, iyagoo sidoo kale qaatay gaari kale.

Alshabaab ayaa tan iyo sanadkii 2011 weeraro ku qaadayey Kenya, iyagoo sheegay iney howlgalkaas wedayaan ilaa ciidamada Kenya ka bxaa ciida Soomaaliya.

Deegaanka Mandera waxey Alshabaab ku qaadeen dhow weerar, hase ahaatee waxaa ugu xumaa labo weerar oo mid uu bishii November ka dhacay deegaanka Carabiya, waxaana lagu dilay 28 qof oo bas lagala degay.

Weerarka kale ayaa ka dhacay bishii December ee sanadkii hore ka dhaxay meel dhagaxa dhismaha laga qodo oo ka baxsan Mandera, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 36 ruux oo shaqaale ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!