Xildhibaan Kenyan ah oo dalbaday in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan Kenyan ah oo dalbaday in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo laga soo doorto deegaanka Ijara ee Gobolka waqooyi bari Kenya ayaa dowladda Kenya ugu baaqay inay la soo baxdo Ciidamada ku sugan Soomaaliya.

Mudane Axmed Ibraahim Cabaas ayaa sheegay in gelintaankii Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ay keentay in ammaanka gobolka waqooyi bari uu faraha ka baxo, isla markaana shacabkana ay cabsi ku nool yihiin.

“Waxaa dowladda Kenya ugu baaqaya inay ciidamada ka soo saarto Soomaaliya, tan iyo markii Ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya, waxaa kordhay amni darada Gobolka waqooyi bari Kenya, iskuuladii waa la xiray, dad badan waa la dilay”ayuu yiri Xildhibaank Axmed Ibraahim Cabaas oo u waramayay Idaacada BBC-da

Sidoo kale Xildhibaankan ayaa ugu baaqay Maamulka Jubba inay isku tashato, ayna dadka u cadaalad fasho, isagoo xusay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya aanay waxba soo kordhin, isla markaana ay dhibaatooyin joogta ah ka dhacaan Gobolka waqooyi bari.

Al-Shabaab ayaa waxay weeraro khasaare geystay horay uga fuliyeen deegaanno ka tirsan Waqooyi Bari Kenya, waxaana ay ku sheegeen weerarradaasi kuwo ay uga aargoosanayaan joogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!