Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo Goor dhow geeriyooday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo Goor dhow geeriyooday

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa salaadii casir ee galabta kadib ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Dhimbiil Rooble ( Casoowe) oo kamid ahaa Mudanayaasha Golaha Shacanka, isagoo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay.

Geerida Xildhibaan Axmed Casoowe ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Mas’uuliyiin Xildhibaano ah, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay Xildhibaano, siyaasiyiin iyo Bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay geerida ku timid Casoowe ayaa tacsi u diray qoyskiisa, Ehelalada iyo Umadda Soomaaliyeed ee uu Xildhibaanka ka baxay.

Allaha u naxariistee Axmed Dhimbiil Rooble ( Casoowe) ayaa waxaa uu mar soo noqday Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaankii kumeel gaarka ahaa, isagoo ilaa iyo hadda kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.