Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu xiray Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu xiray Somaliland

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo dhowaan si qarsoodi ah ku galay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanka la xiray uu ka soo jeedo deegaanada Somaliland, waxaana lagu magacaaba Xildhibaan Axmed Xuseen Xasan.

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaam Ramaax ayaa xaqiijiyay xariga Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in khiyaano qaran.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sharciga la horkeeno doono Xildhibaankan sida sharci darrada ku soo galay deegaanada Somaliland.

Somaliland ayaa horay sharci uga soo saartay qofkii deegaanadeeda ka soo jeeda ee xil ka qabtay dowladda Soomaaliya lagu soo oogi doono dambi khiyaano qaran ah, isla markaana aanu dalka imaan karin, sidoo kale waxay deegaanadeeda ka mamnuucday Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!