Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan ka hadlay Amaanka Muqdisho

11

Maalmihii la soo dhaafay waxaa xumaaday amniga Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho,waxaana ka dhacay in ka badan 10 qarax,kuwaas oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay kasoo gaareen dad Shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Federaalka.

Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Dowladda ay xirtay wadooyin farabadan oo ku yaalla Muqdisho,sidoo kalena qaarkood ay ku adkaato Xildhibaanada inay maraan,balse qaraxyo ay dhacayaan.

Waxaa uu sheegay inaysan jirin  cid mas’uuliyada amniga Caasimadda xil iska saareysa.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in sidoo kale aysan jirin cid lagula xisaabtamayo qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya Magalada muqdisho,isla markaana istiraatiijiyada Amniga sidii ku habeeneyd aan loo marin.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay kula xisaabtami doonaan Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!