Xildhibaan ka baxay baarlamanka Soomaaliya oo booxkiisa loo dhaariyey xildhibaan kale * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan ka baxay baarlamanka Soomaaliya oo booxkiisa loo dhaariyey xildhibaan kale

Muqdisho – Mareeg.com: Cabdi Kariin Daahir Xirsi ayaa manta loo dhaariyey inuu kia mid noqdo xildhibaanada baarlamaanada Soomaaliya, isagoo badelay xildhibaan todobaadkii hore ka baxay golaha shacabka.

Xildhibaankaanka cusub, Cabdi Kariin Daahir Xirsi ayaa bedelay Ex-Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xirsi (Qorax) oo todobaadkii aan soo dhaafnay ku dhawaaqay inuu iska casilay Xubinimadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaankaan cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta kusoo biiray ayaa wuxuu kasoo jeeda Gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhawaan waxaa xildhibaan loo dhaariyey wasiirkii hore ee arrimaha debadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, iyadoo horay xildhibaano ka baxay baarlamaanka loogu badelay xubno cusub.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More