Categories
Af Soomaali

Xildhibaan isaga baxay baarlamanka Federaalka Soomaaliya (Maxey tahay Sababtu?)

Muqdisho – Mareeg.com: Maxamed Cabdullaahi Xirsi (Qorrax) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilka, isagoo arrintaas sabab uga dhigay inuusan baarlamaanku ku tilaabsan sibedelkii uu filayey.

Xildhibaan Qorrax oo ku sugan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in xilka xildhibaanimo ee uu hayey uu dib ugu celiyey odayaashii horay ugu dhiibay, kuna wargeliyey iney qof kale booskaas geystaan.

“Waxaan ku taamayay markii aan baarlamaanka ku biirayay in laga baxay xilligii KMG ahaa, loona gudbay xilli dowlad dhameystiran ay dalka ka jirto, isla markaana aan isbedel muuqda sameyn karno, balse taasi ma muuqato, waana midda igu kalliftay inaan xilkayga iska casilo,” ayuu yiri xildhibaan Qorrax oo la hadlayey BBC.

Sidoo kale, mudanahan iscasilay ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee isku casilay ay ka mid tahay inay kala yar yihiin mushaarka ay qaataan iyo howsha ay qabtaan, ayna taasi tahay mid xaq-darro ah, maadaama lacagaha mushaarka ay u qaataan ay yihiin kuwo canshuur ahaan kaga yimaada bulshada.

“Howsha ay xildhibaannadu qabtaan iyo mushaarka ay qaataan ma ahan kuwo isku dhigma, taninan waxay ka mid tahay waxyabaaha ugu waaweyn ee aan xilkayga uga tagayo,” ayuu Qorrax hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay xildhibaankan iscasilay inuu wakiil ka yahay beeshii soo doortay oo cabashooyin badan ka qabta dowladda, balse aysan jirin wax uu ka fulin karo cabashooyinkaas, sidaa daraadeedna uu go’aansaday inuu baarlamaanka ka tago.

Ugu dambeyn, xildhibaanka ayaa sheegay in isagoo aan xildhibaan ahayn uu dadaal u geli doono inuu dalkiisa iyo dadkiisa wax u qabto.

Mareeg Media

By A warsame

Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com
or Mobile :+447737886245